Arsenal ayaa cawada saqda dhexe habeenimo wajahayso kooxda Manchester United kulan ka tirsan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2024-2025.
Arsenal ayaa kulankeedi labaad ku ciyaari doonto USA ayagoo horay ula ciyaaray kooxda ka dhisan Premier League-ga ee Bournemouth ciyaartaas ayaana ku soo idlaatay bar baro 1-1 ah walow kooxda Gunners ay ku awood sheegatay gool ku laadyo gaadhaayo 5-4.
Halka Manchester United ay ka soo badisay kulankeedii u dambeeyay kooxda Rangers inkastoo laga soo badiyay kulankeedi ugu ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxaana ka badisay kooxda Rosenburg.
Maxaa ka cusub labada kooxood ?
Kooxda Arsenal waxaa weli dhaawacyo ugu maqnaan doonaan labada xidig ee kala ah Kieran Tierney iyo Takehiro Tomiyasu.
Tierney ayaa dhaawac xoogan ka so gaaray tartankii Euro 2024 halka Tomiyasu ow ku dhawacmay aalamiitada waxaana la filaya in labadooda ayasan ka soo muuqan kulmada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub Tomiyasu ayaa ku dhowaad 3 ama 4 asbuuc garoomada ka maqnaan doono halka Tierney dhaawaciisu ow waqti fog yahay.
Bukayo Saka, Declan Rice, Aron Ramsdle, David Raya iyo William Saliba ay kooxda uga maqanyihiin fasax loo bakaadhiyay awgooda maadaama aysan helin waqto yar oo fasax ah.
Gabriel Magalhaes, Gabriel Martinelli iyo Kai Havertz ayaa kooxda dib ugu soo labteen kadib fasaxooda gaaban ay soo qaaten.
Sedexaaan xidig ayaa diyaar u ah iney dheelaan ciyaarta Arsenal ay wajaheyso Manchester United.
Dhanka Manchester United waxa ka maqan Altay Bayindir, Alejandro Garnacho, Bruno Fernandes, Diogo Dalot, Facundo Pellistri, Kobbie Mainoo, Lisando Martinez iyo Luke Shaw ayaa dhammaantooda qeyb ka aheyn ciyaartan sidoo kale waxa kooxda dhaawac uga maqan tyrell Malacia iyo saxiixooda cusub ee Joshua Zirkzee kaas oo aan kooxda suqadka kooxda lagu soo darin.
Shaxda kooxda Arsenal la filaaayo.
Hein, White, Timber, Kiwior, Zinchenko, Partey Jorginho, Odegaard, Nelson, Jesus, Trossard.
Shaxda kooxda Manchester United la filaayo.
Onana, Wan-Bissaka,Yoro, Evans, Amass, Casemiro McTominay, Mount, Amad, Hojlund, Rashford.
Ciyaarta halkee laga daawan karaa?
Waxaa ciyaarta laga daawan karaa bogaga Rasmiga ah ee labada kooxood Arsenal iyo Manchester United, sidoo kale waxaa laga daawan karaa TV yada MU TV iyo fubo TV kama marna sidoo kle ESPN iyo SPN+.
Ciyaarta ayaaa na soo dhaceyso xilliga Somalia ey ka tahay 3:00 Am oo habeenimo ama saxda dhexe.
Fikirkaga noogu reeb dhanka hoose ee Faalada.